Wednesday, May 20, 2026
27.2 C
Mogadishu

Shir Looga Hadlayay Diyaargarowga Howlgallo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Lagu Qabtay Magaalada Xudur.

Xudur(Halqaran.com) –Kulankaan oo uu soo abaabuley Maamulka Gobolka Bakool oo ay qeyb ka ahaayeen saraakiisha Sar Sare ee Guutada 9-aad ciidanka Xoogga dalka Gobolka Bakool iyo odayaasha dhaqanka Degmooyinka Xudur, Tiyeeglow iyo Rabdhuure ayaa waxaa looga hadlay sidii howgallada ciidamada ay qeyb uga noqon lahaayeen shacabka is abaabuley oo odayaasha iyo waxgaradka ay u hogaamin lahaayaan.

Shacabka Gobolka Bakool Waa bulshadii ugu horeysey ee ka dhiidhisay   dhibaaatada  kooxda Arxanlaawayaasha ah ee Al Shabaab, deegeenada hoos yimaada Magaaalada Xudur ayaa waxa ay wajahayaan Xaalad nololeed oo aad u adag.

 

Ugu dambeyn odayaasha dhaqanka kulanka oo  ka hadlay goobta ayaa waxa ay wacad ku mareen  inay safka hore ee dagaalka lagalayaan ciidamada XFS , ayna shacabka ku dhiiri gelinayaan sidii wadajir guud ahaan dalka looga cirib tiri lahaa  kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haayo deegaano farabadan oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta soomaliya.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...