Moqokori(Halqaran.com) –Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada fara ku tiriska ah oo Al -Shabaab kaga sugnaayeen Gobolka Hiiraan.
Taliyaha ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdi Muumin Cilmi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka ka hor inta aysan ciidanka gaarin.
Sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qabsaday tuulada Tardo oo ku dhow deegaanka Moqokori, halkaas oo ay haatan ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus.
Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa howlgallo ballaaran ka waday gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





