Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

SAWIRRO: Maxaa ka ogtahay Ujeedka Xildhibaanada labada aqal ee maanta gaaray Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Xildhibaanadan oo ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaanada ayaa waxaa ku jira xubno ka mid ah Ururka Haweenka ee Baarlamaanka Somaliya, waxayna Magaalada Dhuusamareeb u taggeen arrimo la xiriira Doorashooyinka Galmudug.

Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Isniintii ka bilaabatay xaraynta Odayaashaa Dhaqanka, ee lagu wado inay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka xigga.

Dabayaaqada bishan ayaa waxay Dowladda Federaalka Somaliya qorsheynaysaa in la qabto Doorashada Madaxtinimada Galmudug, waaba haddii lagu heshiiyo.

Dhinacyada Siyaasadda Dalka ayaa waxay ku loolami doonaan Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...