Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Sarkaal sare iyo Ciidamo ka tirsanaa Ahlusunna oo ku Biiray Dowlada Soomaaliya

Dhuusamareeb (Halqaran.com)- Cabdul Daahir Rooble Cadde oo ahaa Taliye ciidan oo ka tirsanaa Ahlusunna, oo isku soo dhiibay ciidanka dawlada soomaaliya,asaga oo wata gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u hubeysan.

kadib markii ay kulan saacado badan qaatay oo uu la yeeshay Taliyaha Guutada 15 aad ee qeybta 21aad Ciidanka Xoogga Gen Mascuud Maxamed Warsame, iyadoona wadahadal dheer kadib oo ku qancay in uu ku biiro dhanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Taliyaha Guutada 15 aad ee qeybta 21aad Ciidanka Xoogga iyo Taliye Cabdul Daahir Rooble ayaa waxaa ku wehlinayay Maxamed Axmed Cantoobo Guddoomiyihii hore degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Taliyihii Ahlusunna ee Guriceel iyo Ciidamo uu watay ayaa xalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyadoo halkaas ay kusoo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan.

wax war ah oo ka soo baxay majiraan illaa iyo hada Hoggaanka sare ee Ahlusunna oo ay uga hadlayaan tallaabada uu qaaday Taliye Cabdul Daahir Rooble Cadde, iyadoona ay xusid mudan tahay in dhawaan Ciidanka dowladda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Degmada Guriceel oo in muddo ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlusunna Waljameeca.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...