Thursday, June 18, 2026
25.7 C
Mogadishu

Sarkaal ka tirsan Puntland oo lagu dilay Boosaaso & Wararkii ugu dambeeyay

Boosaaso (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu soo warramayaa in halkaasi uu maanta ka dhacay dil loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland.

Sarkaalka la dilay ayaa ka tirsanaa Ciidanka illaalada Canshuuraha ee Magaalada Boosaaso, waxaana toogtay rag hubaysan.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Caynab Maxamed Dunge, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii weerarka gaystay oo aan weli la aqoonsan haybtooda iyo cidda ay ka tirsan yihiin midna.

Ciidamada Puntland oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan Kooxda dilka gaysatay.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan fuliya dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Boosaaso, kuwaasi oo loo gaysto xubnaha Maamulka ka tirsan ee Magaalad jooga.

Muddooyinkii dambe waxa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Boosaaso oo ahaa mid hagaagsan ayaa hadda u muuqda mid faraha ka sii baxaya, maadaama dilal kala duwan uu ka dhacay halkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...