Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

Qalabka ka hortaga Fayraska Corona oo lagu wareejiyay K/Galbeed, Jubbaland iyo gobolka Banaadir

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa qalab loogu talo galay ka hortagga Cudurka Coronavirus, waxa ay ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir, Jubbaland & Koonfur Galbeed.

Masuuliyiin ka kala socotay Maamuladan ayaa la wareegay qalabkaan, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federalka Somaliya.

Caabuqa Coronavirus oo Saddex kiis laga helay Somaliya ayaa waxaa jirta walaaca la xiriira inuu sii faafo caabuqan, si uusan u faafina waxaa socda dadaalo ku aadan sidii looga hortagi lahaa xanuunkaan oo dunida si wayn saameyn ugu yeeshay.

Qalabkaan maanta lagu wareejiyay Jubbaland, Koonfur Galbeed & Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Somaliya waxaa ku wareejiyay Jack Ma Foundation.

“Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta ku wareejisay qalab loogu talo galay ka hortaga Cudurka Corona Maamulka Gobolka Banadir iyo Maamaul Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Qalabka ayaa waxaa Dawladda Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma Foundation” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ay Qalabka looga hortago faafida COVID-19 ku wareejisay Puntland iyo Somaliland, iyagoona ka mahadceliyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...