Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Africom ayaa si wadajir ah u sheegay duqeyn ka dhacday Gobolka Baay in lagu dilay xubno ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.
Warbixinta Taliska Mareykanka ee Africom uu soo saaray, ayaa waxaa lagu sheegay duqeyn diyaaradeed oo 27kii Bishan ka dhacday deegaanka Buulo Fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay in lagu dilay xubno Shabaab ka tirsan.
Taliska Mareykanka ee Africom ayaa waxa ay sheegeen laba xubnood oo Shabaab duqeyntaasi in lagu dilay, sidoo kalena la xaqiijiyay dad rayid inaysan waxyeelo ka soo gaarin duqeyntaasi.
Ururka Al-Shabaab oo ka hadashay duqeyntan waxa ay sheegeen diyaaradaha Mareykanka laba ruux oo shacab ah inay ku dileen Gobolka Baay, kadib duqeyn halkaasi ay ka gaysteen.
Deegaanka Buulo Fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa waxaa ku sugan Shabaab, waxaana ku yaallo maxkamado Al-Shabaab ay fariistaan oo ay dadka ugu yeeraan inay halkaaasi tagaan.
Muddooyinkii dambe, diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha culus ee ay ku garaacayaan deegaanada ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





