
Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Axaddii maanta Xeebta magaalada Muqdisho laga helay meydka wiil dhallinyaro ah, ka gadaal markii ay soo tuftay badda.
Wiilkaan dhallinyarada ah oo jirkiisa ay ka muuqdaan dhaawacyo ayaa waxaa badda ay ku soo tuftay xeebta u dhaw Xabsiga dhexe ee Xamar.
Sawirro laga soo qaaday maydka ayaa muujinaayay dhaawacyo jirka ah oo ka muuqda marxuumka, waxaana uu xirnaa Surwaal iyo garan maydka wiilka dhallinyarada ah.
Ciidamada Booliska Soomaaliya ee goobta tagay ayaa halkaasi waxa ay ka qaadeen maydka marxuumka, waxaana ay geeyeen Xarunta dambi Baarista C.I.D halkaasi oo lagu diiwaangeliyo maydadka.
Ilaa iyo hadda lama oga qofkaan badda ay soo tuftay horay inay badda u qaaday iyo inuu yahay shaqsi lagu tuuray Badda dhexdiisa oo la dilay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





