Thursday, June 18, 2026
26.5 C
Mogadishu

AMISOM oo shaacisay inay xirtay xerada Xalane ee Muqdisho

Xarunta Xalane ee Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Ciidamada Midowga Afrika Amisom ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in la xiray xerada Xalane laga bilaabo maanta oo Axad ah 29 Maarso 2020-ka.

Qoraalka Amisom ay soo saareen ayaa la ogeysiiyay Xafiiska Qaramada Midoobay, Hay‘addaha degan Xerada Xalane iyo dhammaan qandaraaslayaasha ku dhex shaqeysta xeradaasi.

Amisom ayaa ujeedada ay u xirtay Xerada Xalane muddo 30 Cisho ah waxa ay ku sheegeen inay tahay ka hortagga faafidda Fayraska Corona (Covid-19) oo Soomaaliya Saddex kiis laga helay.

Saddexda kiis ee Soomaaliya laga helay mid ka mid waxaa laga helay ruux Ajnabi ah oo ka tirsan Shaqaalaha Qaramada Midoobay, kaasi oo ku sugan Xerada Xalane, waxaana lagu karantiilay goob gaar ah.

Halka hoose ka akhriso war qoraalka Amisom:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...