Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Saraakiil uu Kamid yahay Taliyaha Booliska oo Muqdisho shir ku leh iyo Xogo Cusub

Muqdisho(Halqaran.com) –  Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho shir uga furmay Saraakiil ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Dowladda, sida Nabad Sugidda iyo Taliska Qaybta Booliska Gobolkani Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Booliska Cabdi xasan xijaar,Yaasiin Farey Taliyihii Madaxweyne Farmaajo u Magacaabay Hay’adda NISa, Taliyaha Qeybta Guud Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qoraalle Gudoomiye ku Xigeenka Amniga Gobolka Cali Yare iyo Saraakiil kale.

Kulanka kadib ayaa waxaa la filayaa in Saraakiishu ay warbaahinta lahadlaan, waxaana loo yeeray warbaahinta, iyadoo Mas’uuliyiinta shiray ay faah faahin ka bixin doonaan waxyaabihii ay ka shireen iyo arrimo kale oo ku aaddan marxalladda siyaasadeed ee dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...