Thursday, April 30, 2026
28.4 C
Mogadishu

Qoor Qoor oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho iyo U jeedka Safarkiisa

Muqdisho(Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goordhaweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo lagu soodhaweyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Sido Kale Wararka hoose oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in u jeedka uu Qoorqoor ee uu Muqdisho u yimid uu yahay arrimo la xariira Khilaafka soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare Maaxmed Xuseen Rooble iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed farmaajo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in madaxweyne Farmaajo uu u yeeray Qoorqoor,si uu u kala dhexgalo labada mas’ul ee khilaafku u dhexeeyo.

Dhanka kalena Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ka dib Safar Maalmo qaatay oo ugu Maqnaa Dalka Turkiga.

Cabdi Casiis Lafta-gareen iyo wafdiga uu hoggaaminayo  oo Aad u balaaran ayaa waxaa lagu soodhaweyay garoonka diyaaradaha Ee aadan cade ee Muqdisho, waxaana horay uu Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ugu maqnaa dalkaasi Turkiga.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...