Wednesday, March 25, 2026
29.9 C
Mogadishu

RW Xamse oo tababar u furay 3 kun oo Macallimiin oo ku biiray Wasaaradda Waxbarashada

Muqdisho (HalQaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta tababar u furay Macallimiinta cusub ee 3,000 ah ee dhawaan dowladda Soomaaliya ay qaadatay, kuwaasi oo shaqo geli doona bisha Sebtember ee sanadkaan.

Munaasabadda oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu kula dardaarmay macallimiinta in ay noqdaan kuwo soo saara arday tayo leh oo waxbarashadiisu sugan tahay, isla markaana ay noqdaan kuwo ka soo dhalaala howsha loo xilsaaray ee ah waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa, ayaa sheegay in Waxbarashadu ay qeyb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Waxuuna ku booriyay macallimiinta in ay soo saaraan, arday muslim ah oo aan is qarxineyn, Soomaali ah, qabyaalad aqoon, tuug ahayn, aqoon leh, oo caalamkana  la falgali kara.

Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in iyadoon sannad jirin ay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23-kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo isugu jira Ciidan iyo Shaqaale.

“In qarashka dowladda lagu daro macallimiin gaaraysa 3,000 waxay ahayd arrin adag, Xukuumadda DanQaran iyadoon sannad joogin waxay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23 kun oo Soomaali ah, isuguna jira, 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS dhammaadka 2024 iyo 3kun oo Macallin”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa mar kale ku celiyey in la banneeyo goobaha waxbarashada ee ay deggan yihiin shacabka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

RW Xamse Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay ahmiyadda u siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada dalka, waxuuna ku adkeeyey in ay sii xoojiyaan dadaalkooda muhiim ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...