Thursday, July 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

RW Xamse oo Maanta qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka (Maxay kawada hadleen?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson, oo ay ka wada hadleen wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo hey’adaha dowladda Federaalka.

Kristina waxay xog ka siisay Ra’iisul Wasaaraha, howlaha kala duwan ee dhinaca horumarinta ee Bangiga Adduunku ka wado Soomaaliya,  gaar ahaan dadaalka iyo gacanta ay ka geysanayaan gurmad abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay taageerada Bangiga Adduunku siinayay Soomaaliya, isaga oo ku dhiirigeliyay inay si dhaw ula shaqeeyaan hey’adaha dowladda – iyaga oo howshooda ku saleynaya qorshooyinka ahmiyadda u leh xukuumadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...