JABUUTI (Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa Maanta kulan la qaatay Madaxweyna ha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweyne Geelle ayaa waxaa ay uga hadleen inta uu socday xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, kuna saleysan dhinacyo kala duwan.
“Waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo Dowladda & Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Madaxweynahooda qaaliga ah Ismaaciil Cumar Geelle, Runtii Madaxweyne Ismaaciil ma aha keliya Madaxweynaha Dowladda Jabuuti waa aabaha shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan qof aan bani aadamka u mahadcelin alle uma mahadceliyo waxa aan Madaxweyne Geelle ugu mahadcelinayaa Dowladnimada maanta aan heysano oo uu u yahay aasaasihii” .
Ra’iisul wasaaraha ayaa Jabuuti u tegay xiritaaka madasha aragti wadaagga ee Machadka Heritage oo sanadkan lagu qabtay wadankaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





