Muqdisho(Halqaran.com) –Ciidamadda Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal lagu burburiyey waxyaabaha Maanka dooriya sidda khamrigga iyo Xashiiska ka sameeyay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.
Howlgalka oo uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa laga sameeyay Goobo ku yaalla Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu burburiyay Goobo dhowr ah waxyaabihii laga soo qabtana lagu Gubay meel fagaaro ah.
Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in maandooriyahan aan la maleysaneyn tiradooda in ay yaaleen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira Khamri, Xashiish iyo Cirbadaha xanuun baab’iyaha ah.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalka uu ahaa mid maalmahaan ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana looga hortagayo dadka ka Ganacsanaya iyo kuwabisticmaalaya maandooriyaha oo ka qeyb qaata falalka amni darro ee ka dhaca Muqdisho.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa digniin adag u diray dadka ka ganacsada waxyaabaha Maanka Dooriya oo maalmahan aad ay u kordheen dhalinyarada iyo dadka is-ticmaala.
Howlgalkan laga sameeyay Maanta qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan lagu go’aamiyay kulan ka dhacay degmada Kaaraan kadib markii ay kusoo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dhacaya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





