Saturday, September 26, 2026
30.1 C
Mogadishu

RW Rooble iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Maxay Kawada hadleen?

Muqdisho (Halqaran.com)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Larry Andre oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

 

Ra’iisu Wasaare Rooble iyo Danjire Andre ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

 

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Rooble waxaa uu sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada, isagoo ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...