Wednesday, March 25, 2026
27.5 C
Mogadishu

RW Kheyre Oo Safiirka Sweden Ee Somalia Kala Hadlay Arrimo Kala Duwan

Muqdisho(Halqaran.com)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyo sii wadidda taageerada dowladda Sweden ay qaybta uga qaadato dib u kabashada Soomaaliya.

Sweden waxa ay kamid tahay dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya oo waqtiga dheer qaybta ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa October 16, 2019 warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Staffan Tillander oo bedelay safiirkii hore ee Sweden, Andreas von Uexküll.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...