Friday, June 19, 2026
25.6 C
Mogadishu

Duufaan ku soo wajahan Gobollo dhawr ah oo Katirsan Puntland

Puntland(Haqaran.com)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa maanta soo saartay digniin ku socota dadka degan dhanka xeebaha oo la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin roobab iyo dabeylo xoogan.

Wasaaradda oo fariimo digniin ah dadka ugu dirtay taleefanadooda ayaa ugu baaqday in ay ka fogaadaana xeebaha iyo meelaha togaga ah, si looga baaqsado waxyeelo ka dhalata duufaanadaasi laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qeybo ka mid ah gobolada Puntland.

“Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay ku wargilineysaa dadka degan xeebaha Puntland,gaar ahaan gobolada bari sida, Sanaag, Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar in dabeylo xoogan oo roob wata ay inagu soo fool leeyihiin sida ay sheegeen qolyaha saadaasha hawada, hadaba taxaddar badan hala qaato.” ayaa lagu yiri farriimaha loo diray dadka ku nool qeybo ka mid ah gobolada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...