Thursday, June 18, 2026
25.4 C
Mogadishu

RW Kheyre oo qaabilay ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan carruurta iyo Xasaradaha hubeysan +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Xogyahaya Guud ee Qaramada Midoobay, u qaabishan caruurta iyo khilaafaadka hubeysan, Virginia Gamba de Potgieter.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan caruurta iyo khilaafaadka hubeysan ayaa looga hadlay sidii kooxaha argagaxisada looga hor istaagi lahaa askareynta carruurta, si loo badbaadiyo mustaqbalka carruuta,

Virginia Gamba oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celisay soo dhaweynta bogaadisay dadaallada dowladda ee dib-u-habeynta ciidanka oo qayb ka qaadatay sare u qaadidda ilaalinta xaquuqda carruuta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Virginia Gamba u caddeeyay in dowladda ay ka go’antahay in Soomaaliya ay noqoto dal nabad ah, guulo wax ku ool ahna laga gaaray tillaabooyinka loo qaaday xasilinta dalka, arrinaas oo horseedeysa in carruunta iyo dhammaan bulshadu ay helaan nabad waarta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...