Friday, April 24, 2026
27.6 C
Mogadishu

Rooble Oo shir Gaddoomiyay Golaha Wadatashiga Qaran. (Maxay ka Wada hadleyn?)

Muqdisho(Halqaran.com)  Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddoomiyay Shir ay habka fogaan aragga ay  ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaran la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka.

Dowlad-goboleedyada Jubband, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa laga  dalbaday in ay soo dhamaystiraan doorashooyinka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Sido Kale Ilo ku dhow dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegaya in isku soo hadal qaaday in shir isugu yimaadaan, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaas.

Ugu dambeyn tii Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ay yeeshaan tan iyo markii Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay isku khilaafeen Kiiska Ikraan Tahliil.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...