Muqdisho (Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Faderaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaaladda Muqdisho ka furay Madasha Arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya kaas oo looga hadlayo sida looga jawaabi karo goobaha ay ka jiraan xaaladaha Bani’aadanimo.
Shirkaan ayaa waxaa oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee dowladda Faderaalka iyada oo ay goobjoog ka eheed wasiirka wasaaradda Khadiijo Maxamed Diiriye.
Madashan oo ay ka soo qeyb galeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay in roobabkii la filayay ee baaqday ay sababeen cunto yari iyo abaaro, taas oo keentay xaalad bani’aadminimo oo sii xumaaneysa.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarku in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen,si looga hortago macluul la mid ah tii dalka ka dhacday sanadkii 2011.
Hay’addaha gargaarka ayaa horay u sheegay in ay dalka ay si ba’an u saameeyeen abaaraha, Ayaxa, fatahaadaha iyo Covid 19 ay loona baahanyahay gargaar bini’aadamino oo deg deg ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





