Muqdisho (Halqaran.com) –Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhowaan ka qeyb gasho shir looga hadlayo xaaladaha ka aloosan Itoobiya iyo Sudan oo ka dhacaya dalka Uganda.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo xiriirka caalamiga Soomaaliya , Maxamed Cabdirizaaq Maxamuud ayaa sheegay in 15-ka bishan uu magaalada Kampala ka dhici doono shir ay isugu imanayaan madaxda Urur goboleedka IGAD, kulankaas oo looga hadli doono arrimaha ka taagan waddamada Itoobiya iyo Suudaan ayuu sheegay inuu ka qeyb geli doono madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa sheegay in Mowqifka Soomaaliya uu yahay in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda u dhaxeysa Ciidanka Federaalka Itoobiya & Xoogagga TPLF oo muddo sanad ah dagaal uu u dhaxeeyo.
“Wadahadalka iyo wax isla meel dhigidda ayaa ka wanaagsan in dad aan wax galabsan ay ku dhintaan, in dhaqaalaha & Dalka uu ku burburo, sidaas darteed waxa aan soo jeedineynaa in la wada hadlo” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Uganda ayaa taageertay Xoogagga TPLF, halka Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saaxiib dhaw la yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaana la qiyaasi Karin mowqifka Ururka Goboleedka IGAD ka qaadan doono Colaadda Itoobiya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





