Wednesday, April 29, 2026
29.9 C
Mogadishu

Qoor Qoor oo ku dhawaaqay in doorashada Baarlamaanka Dhawaan uu Qaban doono

Dhuusamareeb(Halqaran.com) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa  sheegay in dhawaan la bilaabayo doorashada kuraastii ugu horeysay ee golaha shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Maamulka Galmudug.

Qoor Qoor oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in lagu guda jiro waqtigii doorashada, wuxuuna ugu baaqay musharixiinta kuraasta Golaha Shacabka & Odayaasha dhaqanka inay diyaar garoobaan.

“Galmudug Doorashada Golaha Shacabka wey galeysaa waxaa rajeynayaa inaan caddeeyo shanta kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin waa la soo deynayaa, guddiyada doorashada inay berri iclaamiyaan, illaa saddex berri gudahood waa soo baxeysaa”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay ka murugeysan tahay walwalka uu Ra’iisul Wasaaraha ka qabo doorashooyinka ayna ka go’an tahay inay muddo saddex cisho gudahood ah ku qabtaan doorashooyinka Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Doorashada Soomaaliya ayaa dib uga dhacday waqtigii loogu talo galay, waxaana ilaa iyo hadda kuraasta Golaha Shacabka laga doortay laba kursi, waxaana la filayaa in Maalmaha soo socda ay dhacaan doorashada kuraas kamid ah Golah shacabka.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...