Wednesday, April 29, 2026
29.9 C
Mogadishu

Qarax Xoogan oo ka dhacay degmada Bardaale ee Gobolka Bay.

Bardaale(Halqaran.com) –Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhula lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay Suuq Jaadka lagu iibiyo oo kuyaal degmada Bardaale ee Gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaaro dbimasho iyo dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 7 qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Suuqa uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla dukaaman maalmaha jimcaha ay dadka reer miyiga aad uga adeegtaan, iyaga oo ka yimaada degaano ka fog degmada, waxaana sidoo kale  qeyb yar oo suuqa ka tirsan oo lagu iibiyaa Jaadka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tegay Suuqa Jaadka degmada Bardaale ee uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal dad badan lagu qabqabtay.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool ee dhaca koonfurta Soomaaliya.

Maamulka degmada Bardae iyo laamaha Amgiha degmadaas ayaan weli ka hadlin qaraxaas, balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay ka hadlaan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...