Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

Qarax Qasaaro Geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com)- Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Magaalada.

Qaraxa oo ahaa miino lagu soo dhejiyay gaari nooca raaxada ah ayaa qarxay xili uu ku dhex jiray Garaash ku yaalla Xaafadda Kaawa Godeey ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir

sida Goob jooge ku sugnaa Halka Qaraxa uu ka dhacay ayaa inoo sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen laba ruux oo mid uu ahaa Askari doonayay inuu Miinada ka furo gaariga, hayeeshee ay ku qaraxday, waxaana ruux kale uu ahaa mid marayay Albaabaka Garaahshka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in waxyeelo ay soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa Guri ku dhaganaa Garaashka, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo sameeyay baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...