Boosaaso (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya, in halkaasi ka dhacay Qarax lala eegtay Wasiir hore oo ka tirsanaa Maamulka Puntland.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxa gaari uu saarnaay Wasiirkii hore Qorsheynta Puntland Shire Xaaji Faarax lagula eegtay bartamaha Magaalada.
Askari la socday Wasiirkii hore ayaa qaraxaasi ku geeriyooday lama sheegin khasaare kala oo ka dhashay qaraxa marka laga reebo gaariga oo bur bur soo gaaray, iyadoo aysan waxba gaarin Wasiirkii qorsheynta Puntland ee Qaraxa lala eegtay.
Ciidamada ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana si nabad ah halkaasi looga kaxeeyay Shire Xaaji Faarax.
Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe, wuxuu ahaay mid hagaagsan, kadib markii Ciidamo badan oo kuwa daraawiishta Puntland lagu daadshay, si wayna ammaanka ay u adkeeyeen.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda Qaraxa ka dhacay Magaalada Boosaaso, maadaama Boosaaso ay ku wada sugan yihiin dagaalyahanada Daacish iyo Shabaab.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com