24.5 C
Mogadishu
Sunday, August 14, 2022

Dad badan oo lagu laayay gobolka Texas ee dalka Mareykanka & Wararkii ugu dambeeyay

Texas (Halqaran.com) – Ugu yaraan labaatan qof ayaa dhimatay 26 kalena weey dhaawacmeen kaddib markii nin caddaan ah oo hubeysan uu rasaas ku asqeeyay dadweyne dukaameysananay oo ku sugnaa  magaalada El Paso ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Ninkan ayaa weerarka ku qaaday mid ka mid ah dukaamada sida aadka ah ay dadku wax uga iibsadaan ee ay leedahay shirkadda Wall Mart oo ay xilligaa ka dukaameysanayeen dad fara badan. Ninka la tuhunsanayahay in uu toogashada geystay ayaa da’diisa lagu qiyaasay labaatameeyo sano.

Magaca ninkan ayay warbaahintu ku sheegtay  Patrick Crusius iyada oo la sheegay in si iskiis ah uu isugu soo dhiibay ciidamada kaddib markii uu falkaasi geystay.

Guddoomiyaha gobolka Texas f Greg Abbott oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad uga argagaxay waxa halkaa ka dhacay.

”Texas waxay maanta muraga la qeybsanaysaa shacabka El Paso. Maalin si caadi ah ay dadka usoo dukaamaysan lahaayeen ayaa isu bedeshay mid ka mid ah maalmaha uu dhiigga ugu badan ku daatay taariikhda Texas, Waxaa la laayay dad maanta noolaan . Waxaa weerarkaasi ku dhintay labaatan qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Ka gobol ahaan, waxaan ka midaysannahay taageeridda dhibbanayaasha iyo qoysaskooda”, ayuu yiri Abbot.

Dhanka kale Madaxweyne Trump oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa falka weerarkaasi ku tilmaamay ”ficil fuleynimo ah”

”Waan ogahay in aan metelo qofkastaa oo ku sugan dalkan, waxaana maanta si xooggan u dhaleyceynayaa ficilkaan nacaybka ku saleysan. Ma jirto sababo ama marmarsiyo loo sameyn karo dil looo geystay dad aan waxba galabsan”, ayuu yiri Trump

Si kastaba, toogashada ka dhacday El Pasa ayaa ah tii siddeedaad ee ugu dhimashada badneyd ee soo marta taariikhda Maraykanka, waxaana durbadiiba bilowday dood ku aaddan xakamaynta hubka ee dalkaasi.

Xafiiska Halqaran.com, Minnesota 
Halqarannews@gmail.com 

Latest News

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as...

One million people displaced by drought in Somalia, says UN

A historic drought in Somalia has now displaced one...

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...
spot_img

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo dhagax dhigay dhismaha Buundo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtida maanta ah dhagax dhigay dib-udhiska Buundada...

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardaaran cajiib ah u diray Shacabka Somaliland

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mudaaharaadyadii rabshadaha xigay ee Khamiistii ka dhacay qaar ka mid ah Magaalooyinka...

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as Wajir South member of parliament. Mohammed Adow who was a correspondent of the international media won...