Qaramada Midoobey oo ka qayb qaadanaysa gurmadka fatahaadaha gobollada dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaramada Midoobey ayaa waxay sheegtay in hay’adaheeda gargaarka qaabilsan ay ka qayb qaadan doonaan dadaalada loogu gurmanayo dadka ku barakacay fatahaadaha ka dhashay Webiyada Shabelle, Jubba iyo roobabka ka da’ay Gobollada Dalka.

Mr. James Swan, Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha caalamiga, ay diyaar u yihiin in ay doorkooda ka qayb qaataan gurmadka shacabka la gaarsiinayo.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay barnaamijka gurmadka fatahaadaha kala shaqayn doonto Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Danjire James Swan ayaa boggaadiyay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) oo diyaarinayso diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwaa oo ka qayb qaadanaya dadaalada gurmadka lagu gaarsiinayo shacabka ay fatahaaduhu barakiciyeen.

“Waxan aad ugu mahad naqayaa Xafiiska taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya in si ku meel gaar ah loo adeegsado helikobtarrada,si aan gacan uga gaysano fulinta hawlgalada baadigoobka iyo samata bixinta dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha.” Ayuu yiri James Swan.

Ugu dambeyn, hadalka James Swan ayaa ku soo aadaya maalin ka dib, markii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu caalamka ugu baaqay in Soomaaliya lagala qayb qaato gurmadka fatahaadaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com