Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Qaramada Midoobay oo si kulul u cambaareysay weerarkii Jimcihii lagu qaaday Masaajid ku yaalla…

Salmosi (Halqaran.com) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antnio Goterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerar lagu dilay 16 qof oo Jimcihii lagu qaaday masjid ku yaalla magaalada Salmosi ee waqooyiga dalka Burkina Faso.

Xoghayaha ayaa tacsi u diray ehellada ,qoysaska iyo saaxibada dadkii ku geeriyooday weerarkaas .
Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in Dowladda Burkina Faso ay ka gacansiinayso isku xirnaanta bulshada iyo guud ahaan horumarka dalka.

Fiidnimadii Jimcaha ayay ahayd markii rag ay 16 ruux ku dileen masjid jaamaca Salamosi, halkaas oo laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxaha islaamimiyiinta ee xariirka la leh Daacish ayaa boqollaal dad ah ku dilay dalkaas sanadihii la soo dhaafay.
Mid ka mid ah dadka deggan deegaanka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in shacabka deegaanka ku nool ay cabsi awgeed ka cararayaan agagaarka goobta uu weerarku ka dhacay.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda weerarka, hase yeeshee tan iyo sanadkii 2015-ka waxaa dalka Burkina Faso kusii kordhayay weerarrada ceynkan ah oo ay geeysanayaan kooxda Daacish, oo caqabad ku noqday nolosha bulshada dalkaas.

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan rubuc milyan oo qof oo reer Burkina Faso ah lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda seddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Toddobaadkii hore, 20 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday goob laga qodo macdanta iyo dahabka oo ku taal waqooyiga dalkaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...