Wednesday, May 27, 2026
26.9 C
Mogadishu

Ninkii ugu da’da weynaa Adduunka oo geeriyooday

South Afrika (Halqaran.coom) – Nin u dhashay Koonfur Afrika oo la aamminsan yahay inuu ahaa ninka ugu da’da weyn adduunka ayaa dhintay isagoo 116 jir ah.

Dukumiintiyada aqoonsiga Fredie Blom waxay muujinayaan inuu ku dhashay gobolka Bariga bishii May 1904, in kasta oo taasi aysan waligeed xaqiijinin Guinness World Records.

Markuu yaraa, qoyskiisii oo dhan waxaa tirtirey cudurka faafa ee hargabka ahaa 1918 ka dillaacay Isbaanishka. Isaga oo ka badbaaday laba dagaal adduun iyo midab takoorkii Koonfur Afrika.

Mr Blom ayaa BBC u sheegay 2018 in aysan jirin wax sir ah oo gaar ah oo ku saabsan cimri dheeraantiisa.

“Hal shay oo keliya – waa [Eebbe]. Isagu awood buu leeyahay wax kasta. Waxba ma haysto anigu. Waqti kasta waan ka tagi karaa laakiin isagu i daayey”, ayuu yidhi.

Mr Blom noloshiisa inta badan wuxuu ku dhammaystay shaqaalenimo – marka hore beero ka dibna warshadii dhismaha – wuxuuna howlgab noqday kaliya markii uu ahaa da’aadda 80-meeyada.

In kasta oo uu joojiyey cabbitaanka khamriga sannado badan ka hor, wuxuu se ahaa sigaaryo cab aan kala joojin cabbistiisa.

Si kastaba ha noqotee, xannibaadaha la xiriirta coronavirus-ka ee ay soo rogtay dowladda Koonfur Afrika ayaa lagu soo warramey in uusan awoodin inuu iibsado tubaakada si uu dhalashadiisa 116 sano ugu xuso.

Qoyska Mr Blom ayaa sheegay inuu u dhintey sababo dabiici ah Sabtidii.

“Laba usbuuc ka hor oupa [awoowe] wali wuxuu sii jeexjeexi jirey qoryaha,” afhayeenka qoyska Andre Naidoo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP. “Wuxuu ahaa nin xoog badan oo isla qab weyn”.

Ugu dambeyn, Mr Naidoo wuxuu sheegay in qoysku aysan rumeysneyn in dhimashadiisu ay la xidhiidho ‘Covid-19’.

Xigasho – BBC 

@Halqaran.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...