Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Muxuu Siyaasi CC Warsame kala hadlay Safiirrada Ingiriiska iyo Mareykanka ee uu la kulmay? +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu Magaalada Muqdsho kulama kula qaatay Safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska ee u joogga dalka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ay wehliyan xubno ka tirsan Xisbigiisa ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii Xerada Xalane kula kulmay labada safiir, waxaana uu sheegay in ay kala hadleen sidii ay doorashada soo socota ee dalka u noqon laheyd mid loo dhan yahay, kuna dhacda waqtigii loogu talagalay.

“Waxaan aniga iyo xubno ka tirsan Guddiga Fulinta Xisbiga Wadajir kulamo la qaadanay Safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska. Waxaan ka wada hadalnay sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho loo dhanyahay, xilligeeda ku dhacda, dastuurkana waafaqsan.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale waxaa uu soo hadalqaaday in Safiirada ay ka wada hadleen arrimaha galmudug iyo in Siyaasadda Galmudug ay noqoto mid furan.

“Waxaan kaloo ka wada hadalnay arrimaha Galmudug, in la furo saaxada siyaasadda, lana ilaaliyo xoriyada hadalka.” Ayuu yiri Ina Warsame oo hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...