Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Beelihii ku dagaallamay bariga gobolka Mudug oo heshiiyay (Akhri qodobbada heshiiska)

Mudug (Halqaran.com) – Waxgaradka labadii beelood ee horaantii bishan ku wada dagaalamay Deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug ayaa waxay kala saxiixdeen heshiis dhawr qodob ka kooban.

Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21aad ayaa ku guuleystay inay kala dhexgaleen maleeshiyadii uu dagaalku dhexmaray, iyagoo markaasi ka dib bilaabay in ay is horkeenaan waxgaradka beelahaasi, ka dibna ku qanciyay in maleeshiyada la kala qaado, waxayna ugu dambeen waxgaradka labada beelood aqbaleen inay heshiis ka gaaraan colaaddii dhacday.

Saraakiisha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Dhulka, S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa dadaal u galay, sidii nabad loo kala dhexdhigi lahaa beelahaasi walaalaha ah.

Kulankii ugu dambeeyay ee waxgaradka labadaasi beelood oo dhex maray gelinkii dambe ee Arbacadii ayay ku kala saxiixdeen heshiiskan.

Qoraal uu soo saaray Taliska Qaybta 21aad ayaa lagu sheegay in labada beelood ay shan qodob ku wada heshiiyeen.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa kala ah:-

  1. In la dhiso ciidamo isku dhaf ah
  2. Gudi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood
  3. In Si Nabad ah ay uwadda daaqaan Xoolaha Dadka ree Guuraaga ah
  4. In qofkii qof kale dila lagu Xukumo Dil Toogasho ah
  5. In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Somaliya ay la wareegi doonto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...