Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Dalall ka mid ah Yurub oo aqbalay in lagu tago Baasaboorka Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) –Dowladda dalka Serbiya ayaa ogolaatay in dalkeeda lagu tagi karo Baasaboorka dalka Soomaaliya ,ka dib dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda,Hay’adda Socdaalka iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi

Tallaabadaan oo ay soo dhoweeyeen dadka Soomaliyeed ayaa imaaneysa ka gadaal markii Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Vera Vukićević iyo Ku-xigeenkeeda Mirjana Živković ay guddoomeen dukumiintiyo ka hadlaya muuqalada saxda ah ee sadexda nuuc ee uu ka kooban yahay Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya .

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa horay u lahaa xiriir dheer, arrintan ayaa imaanaysa ka dib markii dadaal dheer ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay Dowlado badan ogolaadeen in Baasaboorka Soomaaliya lagu geli karo dalalkooda.

 

Sido Kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay dadaalka maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade ,iyagoo ku ammaanay kaalintii ay ku lahaayeen gudbinta taabagalka Baasaboorka dalka.

Ugu dambeynDowladaha Soomaaliya iyo Serbia waxa ay horay u lahaayeen xiriir wanaagsan oo suurtagaliyay in la ogolaado Baasaboorka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...