Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble oo heshiis gaaray ( Wax ka ogaaw heshiiska )

Muqdisho (Halqaran.com) –Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Maxamed Xuseen Rooble  oo wada hadal yeeshay ayaa xal ka gaaray arrimihii lagu kala aragti duwanaa, iyagoo soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan qodobbadii lagu heshiiyay.

Labada mas’uul ayaa isku raacay qodobo dhowr ah, waxaana ka mid ah:-

1- In Cabdullaahi Maxamed Nuur loo daayo Wasiirka Amniga.

2- In Gen. Bashiir Goobe Wasiir Dowle loo magacaabo.

3- In Yaasiin Fareey sii ahaado Taliyaha NISA, illaa Madaxweynaha uu soo magacaabayo Taliye la isla ogolyahay, golaha wasiiradana la marsiiyo.

4- In doorashooyinka la dardar-geliyo.

5- In kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo hay’adaha Garsoorka dalka.

Ugu danbayn, Madaxda Qaranku waxay umahad celiyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Moxamed (Lafta gareen) iyo masuuliyiinta kale ee udhabar adaygay sidii madmadowgii madaxda qaranka ka dhexjirey loogu dhameyn Lahaa Isfahan iyo afgarad, doorashaduna usocoto si habsami leh.

Madaxda waxa ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed sida ay uga xunyihiin walwalkii ay dareemeen maalmihii la soo dhaafay iyaga oo u ballanqaaday shacabka in si midnimo leh ay uga wada shaqayn doonaan sidii ay dalka uga dhicilahayd doorasho hufan loona adkayn lahaa amniga guud ee dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...