Thursday, July 30, 2026
24.9 C
Mogadishu

Maxmada Ciidamada Xoogga Dalka oo xukun dil ah ku riday Askari laba Qof shacab ah ku dilay Gobolka Gedo..

Muqdisho(Halqaran.com) – Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa oo xukun kuriday Dable NISA Maxamed Cali Xuseen, kaas oo horaantii  Bishii November ee sanadkaan degmada Beled-Xaawo ku dilay Axmed Sharmaake Cabdullaahi & Sakariye Axmed Gaarane oo Shacab ahaa.

Askarigaan ayaa Maxkamadeyntiisa waxaa ay soo martay heer kala duwan, waxaana markii uu dilayay labada dhalinyarada ah ay Kubbad ku ciyaarayeeen Garoon kuyaalla degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dhageysatay dad marqaatiyaal ah ayaa caddeeyay in dable Maxamed Cali oo saaran Mooto Bajaaj uu rasaas ku furay Garoonka, ayna ku dhinteen Sakariye Axmed Gaarane iyo Axmed Sharmaake C/llaahi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad Maxamed Aamiin Cabdulle Aadan ayaa ku dhawaaqay in xukun dil toogasho ah lagu riday Maxamed Cali Xuseen oo dilay labada Marxuum oo daawanayey Ciyaar ka socotay Garoonka uu falku ka dhacay.

Sidaan oo kale, marar badan ayey dhacday in Ciidanka Dowladda ay si bareer ah iyo si kaleba ay rasaas nool nool ugu ridaan Shacabka jooga halka ay ka howlgalaan, iyadoo dhimashada iyo dhaawaca dadka Shacabka uu joogto ka noqdo dalka, Inkastoo laamaha ammaanka DFS ay sheegaan in lasoo qabtay, ama la daba joogo Askarta dadka Shacabka dhibaatada u geysata oo iskugu jirta dilka iyo dhaawaca.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...