Tuesday, May 26, 2026
26.3 C
Mogadishu

Maxkamadda gobolka Banaadir oo Maanta la soo taagay koox ka mid ah ciyaal weerada Magaalada.

 Muqdisho (Halqaran.com) –Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Gal-dacwadeed eedeysanayaal ay ka yihiin, Ciyaal weero lagu soo qabqabtay howlgalka Samakaab oo ay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Eedeysanayaashaan oo gaaraya 11 ruux ayaa laga soo qabtay degmada Yaaqshiid waxaana ay ka kala tirsanaayeen ilaa saddax kooxood oo ka mid ahaa ciyaal weeraradaa waxaana ay kala yihiin, ciyaal buulo, Ciyaal Tusbaxleey iyo Ciyaal Kaaro.

Ciyaal weero ayaa xaalad amni darro ka abuuray qeybo ka mid ah Caasimadda, iyagoo geysta dhac iyo dil aan loom eel dayin, taas oo ay dowladduna kaga fal celisay howlgalka ballaran ee Sama-kaab oo lagula dagaallamayo Kooxaha abaabulan ee la baxay Ciyaal weerada.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigtay cadeeymaha dhibaatooyin kala duwan oo ay geysteen ciyaal weerada, kuwaas oo ay kamid yihiin dilal iyo dhaawaca dad rayid ah.

Maxkamadeynta dhalinyaradaan ka tirsan ciyaal weerada degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sii socon doonto maalmaha soo soda, iyada oo ugu dambeyn go’aan ka gaari doonto Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sido kale Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa dadka kunool qaar kamid ah degmooyinka Barrie e gobolka Banaadir waxaa dhibaatooyin kala duwan ku haayay ciyaal weero, waxaana taasi ay keentay in howlgallo joogto ah ay sameeyaan ciidamada Booliska & Nabadsugida Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...