Muqdisho (Halqaran.com) –Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta gaar ahaan qeybta qaabilsan danbiyada lidka ku ahaa maaliyadda iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xeer ilaalinta.
Si rasmi ah looma ogo eedeymaha loo heysto Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya balse xeer ilaalinta waxay sheegtay in wax laga weydin doono arrimo la xiriira maaliyadda uu xafiiska baaristiisa wado.
Qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha, Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa waxaa wasiirka lagu faray inuu xarunta yimaado ugu dambeyn maalinta Isniinta ee soo socota.
U yeerida Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa la Ogeysiiyay Guddiga KMG ah Maaliyadda ee labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha.
“Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxa uu u yeerayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda JFS ee ay warqadani sida tooska ah ugu socoto in uu yimaado Xafiiska Maalinta Isniinta ee ay taariikhdu tahay 27/06/2022 saacaddu marka ay tahya 11:00 AM, si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira Maaliyadda uu Xafiiska baaristiisa wado” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xeer ilaalinta.
HALKAAN KA AKHRISO:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





