Tuesday, May 26, 2026
26.3 C
Mogadishu

Aqalka Sare oo meel mariyay Guddoonka Guddiyada Aqalkaasi.

Muqdisho(Halqaran.com) –Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya yeeshya kulankoodii 8-aad ee Kalfadhiga Koowaad, iyaga oo uu maanta ajandaha kulanka uu ahaa ansixinta Guddoonka Guddiyada Aqalka Sare.

Ugu horreyn kulanka ayaa waxaa daahfuray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isaga oo ka warbixiyay shaqooyinka hor yaala Guddiyada maanta la’ansixiyay, kuwaas oo gaaraya illaa sideed guddi.

Guddiyada maanta la ansixiyay ayaa kala ah:

1″ Guddiga Xeerhoosaadka,Anshaxa,Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarrada.

2″ Guddiga Garsoorka,Arrimaha Diinta iyo Awqaafta,Xaquuqul Insaanka,Haweenka iyo Carruurta.

3″ Guddiga Arrimaha Gudaha,Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada.

4″ Guddiga Difaaca iyo Amniga.

5″ Guddiga Arrimaha Dibadda,Qorshaynta,Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

6″ Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada,Arrimaha Bani’aadannimada,Warfaafinta iyo Dhaqanka.

7″ Guddiga Khayraadka Qaranka,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka.

8″ Guddiga Dhaqaalaha,Maaliyadda,Ganacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...