Muqdisho (Halqaran.com)- Golaha midowga musharraxiinta ayaa soo dhoweeyey jadwalka dhamaystirka doorashada 2020-2022, ee uu soo saaray guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban, waxaana qoraal kasoo baxay midowga lagu xusay in doorashada dib u dhacday sanad ka badan ay keentay firaaq Dastuuri ah, iyaga baaqay midowga in marwaliba la raaco dastuurka dalka u yaalla.
Sido kale Musharixiinta ayaa ugu baaqay Dowlad Goboleedyada inay faraha kala baxaan howlaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal, isla markaana howshooda ay ku egtahay fududeynta doorashooyinka deegaanadooda..
Halkaan Ka Akhriso qoraalka:
Doorashada Golaha Shacabka ayaa dib ugu dhacday waqtigii loo jaan gooyey oo ah 15 Maarso 2022 maadaama ay ku harsantahay doorashada Dowlad Gobaleedyada Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com