Tuesday, May 26, 2026
27.8 C
Mogadishu

Maxaa ka jira iney Dad Gaajo iyo Haraad Ugu Geeriyoodeen Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland

Ceelwaaq (Halqaran.com)- Xaalad abaar oo ka jirta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo deegaanada ku hareereysan ayaa saameeyey dadka iyo duunyada kunool, iyada oo dad farabadan oo xoolaley ah ay a barakaceen.

Illaa iyo shan qof, ayaa lagu soo warramayaa iney halkaasi gaajo iyo harraad ugu dhinteen, sida ay xaqiijiyeen Ms’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Ceelwaaq.

Ibraahim Guuleed Aadan, oo ah guddomiyaha degmada CeelWaaq, oo khadka telefoonka ugu waramey BBC-da, ayaa tilmaamey in xaaladda haatan taagan ay tahay mid faraha ka baxdey.

“Xoolaha ayaan heysan baad iyo biyo ay cabbaan, waxeyna ku nool yihiin cunto dadku gacanta ka siiyaan, halka maciishaddana ay cirka isku shareertay ayuu yiri” mid kamid ah dadka kunool Ceelwaaq oo ay abaartu saameeysay.

Sido kale Saameynta abaaraha ayaan ku ekeyn deegaan oo kaliya, iyadoo ay ku baaheen deegaano oo aad u fara badan.

Degmada Ceelwaaq ayaa ah degmada kaliya uu Maamulka Jubbaland maamulo ee katirsan Gobolka Gedo, waxaana dadka kunool saameysay abaarta kajirta inta badan Gobolada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...