Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

Maxay kawada hadleen Wasiir Axmed Fiqi iyo odayaasha dhaqanka Galmudug.

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah waxaa uu la yeeshay Odayaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta weerarada Al-Shabaab.

Axmed macalin  Fiqi waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan iska horkeenka beelaha, isaga soo qaatay in inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota ay u dhigi doonaan dagaalka beel ku duushay deegaanka beel kale.

Wasiirka waxaa uu   Sidoo kale hoosta ka xariiqay in Alshabaab ay ku tilmaameen dadkii ay tuulooyinka ka gubeen kuwo mooriyaan ah, oo burcad ah, isaga oo intaa raaciyey in dhibaatada Al-Shabaab odeyaasha ka qeyb geli karin horumarinta deegaanadooda sida ceel qodis, guryo dhisid, beero iyo wixii la mid ah.

Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Alshabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu gaaro meesha ugu dambeysa.

Dhanka kale Wasiirka waxaa uu sheegay inuu jiro shirweyne ay isugu iman doonaan reer Hirshabelle iyo reer Galmudug kaas oo lagu qaban doonno Baladweyn ama Dhuusamareeb midkood, waxaa uuna odeyaasha ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan arrimaha socda.

waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in kulamada watashiga ah ee uu la leeyahay odeyaasha uu ballaarin doono, oo ay ku xigi doonaan Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Jubbaland.

Sido kale odeyaasha  dhaqanka ee Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin halganka ka dhanka  kooxda Alshabaab iyaga oo wasiirka hordhigay qorshahooda la xiriira arrinkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...