London(Halqaran.com) – Ku dhawaad 2,000 oo qof ayaa isugu uruuray macbadka Westminster ee ku yaalla bartamaha magaalada London halkaas oo lagu qabanayo munaasabadda aaska boqorad Elizabeth II oo ah muddo dheer heysay awoodda boqortooyada oo geeriyootay horraantii bishan.
Waxaa 96 jeer la garaacay gambaleelka kaniisadda .waxay ka turjumeysay Sida la sheegay garaacista nolosha boqoradda.
In kabadan 500 madaxweyne iyo marti sharaf ka socda UK iyo caalamka ayaa ku sugan macbadka Westminster halkaasoo ay ka socoto munaasabadda aaska boqoradda.
Sido kale Xubno badan oo ka tirsan qoyska boqortooyada dalalka shisheeye iyo qoyska boqortooyada Ingiriiska ayaa ku sugan kaniisadda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com