Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Maxay Guddoomiye Sacdiya kala hadashay Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee la kulantay?

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa Jimcihii maanta kulan la qaadatay qaar ka mid Culima’udiinka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala hadlay arrimo ku saabsan hadalladii ay ka jeedisay shir ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin oo Culimada uga mahadcelisay sida ay u soo ajiibeen kulankeedi ayaa waxa ay Bulshada iyo Cumimadda Soomaaliyeed uga jawaabtay Khudabadii ay ka jeedisay daah-furka ol’olihii 16-ka maalmood ee Tacadiyadda ka dhanka ah ee Haweenka & Carruurta, iyada oo xustay hadalladii baraha Bulshada la wareejinaayay iyo mowduuca ay ka hadleysay aan aheyn mid hal meel u wada socda.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Bulshada Soomaaliyeed u sheegtay in aan wada ilaalino Shuruucda dalka iyo in meel loogu soo wada jeesto tacdiyada loo geeysto Haweenka iyo Carruurta yaryarka ah

Ugu dambeyn, Guddoomiye Sacdiya ayaa waxa ay markale adkeeysay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo ilaalinta Diinteena Suuban.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...