Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maxaad ka Ogtahay Damaca cusub ee KENYA iyo halista ay la rabto Somaliya?!

Kismaayo (Halqaran.com) – Dawladda Kenya ayaa waxa ay si cad u jebisey oo ay ku xad-gudubtay Qaranimada Soomaaliya, iyadoo arrimo xasaasi ah durba ka dhasheen.

Inkastoo aan sugeyno Warka kasoo baxa dawlada Soomaaliya, hadana guux weyn ayaa ka dhashay.

Wafdi ka socday Dawlada Kenya ayaa Sabtidii shalay si amar ay jebiyeen waxay ku tageen Kismaayo, iyadoo Hawada ku soo xad gudbay amarkii lasoo saarayna ka dhego fureystay.

Waa Awood tijaabin kale iyo Naqshad ay ku dooneyso in Kililka lixaad ay ka dhigato Kismaayo oo ay Jubbaland kula wareegto.

Aadan Barre Ducaale oo Xaflada Caleemo saarka Axmed Islaam hadal ka jeediyay ayaa waxa uu cod dheer ku sheegay in maamulka Jubbaland iyo Kenya arrimo badan iskaga xiran yihiin.

Wuxuuna sheegay in ay Nabad ka dhacda Jubbaland ay Nabad noqoneyso Kenya, taas oo dadku macno kale u fasirteen, Soomaaliya ma uusan dhihine Jubbaland ayuu yiri.

Sidoo kale, Aadan Ducaale ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ee Kismaayo Jooga aan lagu xumeyn Magac ahaan oo ay yihiin kuwii Kismaayada lagu qabtay Caleemo saarka ka saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Si kastaba, warka Kenya waa mid Caanaha Geela ka cadaa, oo ay ubisan bisootay qaadashada dhul hor leh, xilli Soomaaliya Kiiska Badda ay ku dagaalamayaan oo Maxkamada ICJ hor taalla.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...