Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in uu heshiis dhex-maray Axmed Madoobe iyo C/rashiid Xiddig?

Cabdirashiid Xiddig iyo Axmed Madoobe

Kismaayo (Halqaran.com) – Xildhibaan Cabdi-rashiid Maxamed Xididg oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka, sidoo kalena taageerayaashiisa ay Kismaayo ugu doorteen Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay wararka sheegaya in uu la heshiiyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Qoraal uu soo dhigay Xildhibaanka Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in waxba ka jirin wararkaas oo badankood lagu faafiyey Baraha Bulshada, isla markaana ay ku qasabtay in uu ka hadlo.

“Waxaan arkayaa warar Been Abuur iyo Riyo maalmeed isugu jira oo baraha bulshada lagu faafinayo oo lagu sheegayo heshiis iyo wada hadal u dhexeeya Aniga iyo Madaxweynihii hore ee Jubaland Axmed islaam: Markaan dhageystay isla markaana Akhriyay wararka noocaas ah Waxaa ii muuqatay inay lagama maarmaan tahay inaan qoraalkan la wadaago Taageerayaasheyda gudaha iyo dibada ayuu yiri” Xildhibaan Xidig.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in qorshaas ay soo abaabuleen madaxdii ka qeyb-gashay Xafladii Caleema saarka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo oo uu sheegay inay yihiin qaran dumis, isla markaana ay ku fashilmeen qorsho ay ku doonayeen inay ku kala furfuran isbedel-doonka Jubbaland.

Ugu dambeyn, waxaa uu soo qaatay Saddex qodob oo uu sheegay in Xubnaha Isbedel Jubbaland ay doonayaan in lagu dhiso Maamul loo dhan yahay ee Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...