Monday, December 15, 2025
27.9 C
Mogadishu

Maqaal – GALMUDUG oo tabtay madaxweyne XAAF

Maqaal (Halqaran.com) – Galmudug waa degaanka ama bulshada kaliya ee aan heysan dowlad gobaleed dhisan oo u adeegta degaanka iyo dadka daga muddo ku dhow 3 bi,l walina ma muuqato rajo wayn oo lagu dhisi karo maamul loo dhan yahay.

Axmed Ducaalle Geelle “Xaaf” ayaa afartii bishii hore oo laga joogo ku dhawaad 50 maalin, u wakiishay howlaha Galmudug wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, kadib markii uu la heshiiyay dowladda federaalka Soomaaliya oo ay dagaalsanaayeen 2-dii sano ee la soo dhaafay.

Galmudug hadda malahan madaxweyne, siihaye madaxweyne, xukuumad iyo baarlamaan shaqeeya, waxaana shaqada Galmudug sii wada wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo go’aano ka gaarta arimaha masiriga ah ee degaanka, balse waxaa si iskood ah u shaqeeya xubno dhanka Ahlu-Sunna ka soo galay galmudug oo ugu horreeyo sheekh shaakir.

Dowladda Soomaaliya wali kuma guuleysan in ay dhisto Galmudug loo dhanyahay, waxaana sii adkaanaya xaaladda Galmudug, iyadoo ay muuqato in markale uu baaqan karo shirkii dib uheshiisiinta beelaha galmudug ee lagu balansanaa 17-ka bishaan oo maanta ku beegan.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa wali ku guuleysan in ay heshiis dhab ah oo lagu kalsoonyahay la gasho Ahlu-Sunna waxaana muuqata in ay doon ka sii dhacayaan waxyaabihii lagu heshiiyay.

Dad badan ayaa hadda ogaaday in Xaaf uu haayay culees badan oo aysan dareensaneen dadka soomaaliyeed, xataa dowladda soomaaliya kuma aysan baraarugsaneen dhibaatada uu ka hortaagan yahay madaxweyne Xaaf.

Inkastoo uu ahaa siyaasi mayal adag oo hadal kulul hadana waxaa loo arkaa in uu ahaa qofka kaliya ee isku heyn kara Galmudug markii loo eego xaaladda la joogo.

Hadda maxay Galmudug ka faa’iday ceyrintii Xaaf?

Waxay ka faa’iday maamul la’aan, dib u dhac, khilaaf aan dhamaanin iyo dowladda iyo aduunyada kale oo ku wareersan sida ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Xaaf-na ka tagitaanka Galmudug waxa uu ka faa’iday nasiino iyo buuq la’aan iyadoo magaalada Muqdisho lagu arkayo isagoo ka soo raynaya sidii uu ahaa ee daalka iyo rafaadkii badnaa.

W/Q: Maxamed Axmed Gacal

AFEEF: Aragtida qoraalkan kama tarjumeyso tan Halqaran.com, waxay u gaar tahay magaca ku saxiixan. Halqaran.com, waa warbaahin madax-banaan una furan shacabka Soomaaliyeed. Fikirkaada ku soo dir: halqarannews@gmail.com . Mahadsanid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Understanding Discipline: Order and Self-Control in Modern Life

  Understanding Discipline: Order and Self-Control in Modern Life Introduction Discipline is a fundamental pillar that shapes personal growth and...

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

(AKHRISO)Mustaqbalka Dhaqaalaha Adduunka&Jihooyinka Cusub iyo Fursadaha  Horumarineed

HALQARAN .COM:Dhaqaalaha adduunku wuxuu ku socdaa isbeddel degdeg ah oo saameyn weyn ku yeelanaya dhinacyo badan oo...