Monday, May 11, 2026
27.9 C
Mogadishu

WAR CUSUB: Khilaaf ka dhex curtay Taliyeyaasha Ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee Kismaayo ku sugan & Xaalka oo sii xumaaday

Ciidamada Maamuka Jubbaland

Kismaayo (Halqaran.com) – Khilaaf ayaa ka dhex curtay Taliyeyaasha Ciidamada Itoobiya iyo Kenya, kadib markii shalay diyaarad Militari oo dowladda Itoobiya leedahay loo diiday inay ka dagato Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Waxaa sidoo kale gaadiid Ciidan oo ay wateen Ciidamada Itoobiya ayaa loo diiday inay gudaha u galaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo ammaankeeda ay gacanta ku hayaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.

Diidmada lagu sameeyay Ciidamada Itoobiya ayaa waxa ay dhalisay in Khilaaf uu ka dhex curto Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka & kuwa Kenyan-ka ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.

Mid ka mid ah shaqaalaha Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo magaciisa ku gaabiyay Ismaaciil islamarkaana Taleefanka ugu warramay Reuters ayaa sheegay in diyaaradda aysan garaneyn in ay ahayd mid rayid iyo mid Militari laakiin ay Ciidamada Kenya u diideen in ay soo caga dhigato.

Arrintan ayaa daba socotay kaddib markii Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee qaybta 6-aad ee Amisom uu dalbaday in Ciidamo Itoobiyaan ah la geeyo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo laba maalmood ka hor dhacdada shalay.

Laakiin Taliyayaasha Ciidamada Kenya ee ku jira Amisom islamarkaana jooga Kismaayo ayaa u sheegay Taliyaha Itoobiyaanka ah in uu marka hore farsax weydiisto iyaga kaddibna soo qorto warqad codsi ah.

Wararka waxa ay sheegayaan in Taliyaha Ciidamada Itoobiyaanka ee Kismaayo jooga uu ka dhaga furaystay arrintaasi, islamarkaana uu amray Diyaarada inay ka dagto Kismaayo, taasi oo keentay khilaafka isku dhaca.

Maanta ayaa la filayaa in Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Amisom oo u dhashay dalka Itoobiya inuu gaaro Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...