Wednesday, April 29, 2026
30.9 C
Mogadishu

Majaajilistihii Ugu caansanaa Soomaalida ee Ajakis oo muqdisho ku geeryooday.

Muqdisho(Halqaran.com) Alle ha u naxariistee Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Cassimadda Soomaaliya ku geeriyooday Majaajilistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriiddi Dheere, oo ku magic dheeraa Ajakis.

 

Marxuumka ayaa Maal-mihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho, waxaana horay loo dhigay isbitaal, kadib markii xaaladdiisa Caafimaad ay aad u liidatay.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey geerida naxtinta leh ee ku timid Ajakis oo caan ka ahaa guud ahaan Soomaaliya.

AUN Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) ayaa waxaa maalmo ka hor ku soo booday xanuun deg-deg ah, isaga oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayey isbitaalka uu ku geeriyooday.

Ajakis ayaa ka mid ahaa majaajiliistayaasha ugu caansan gayiga Soomaaliyeed, waxaana uu caan ku ahaa Ruwaayadaha iyo Turjumidda Aflaamta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...