Muqdisho(Halqaran.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka.
Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





