Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Shekh oo dib ugu soo laabtay dalka.

Kampala(Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku joogay muddo afar cisho ah dalka Uganda ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalka Uganda waxa uu kulan kala la yeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni, waxa ayna labada Madaxweyne si wadajir ah u shir guddoomiyeen Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsnayd fududeynta maalgashiga, kobcinta wax-soosaarka, xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha ee labada dowladdood.

Wasiirada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku wehelinayey safarkan ayaa dhiggooda dalkaas la saxiixday heshiisyo lagu dhaqan-gelinayo go’aannadii ka soo baxay kulanka labada Madaxweyne iyo Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, si loo dardargeliyo qorsheyaasha hortebinta u leh labada dal ee shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga amniga labada dal iyo nabadda Gobol, si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...